(Madrid) 02 Nof 2017. Cristiano Ronaldo ayaa dafiray inuu Real Madrid ka dalbay heshiis kor dhin isagoona guul daradii xalay ka soo gaartay Tottenham kaddib sheegay inuusan dooneyn inuu heshiiska u kordhiyo Los Blancos.
Warkaan ayaa wuxuu farxad galinayaa taageerayaasha Manchester United oo marar badan ku riyoonayay inay xiddigoodii dib u helaan.
Guul daradii xalay ee Tottenham kadddib, xiddiga reer Portugal ayaa si cad u muujiyay caradiisa iyo jahwareerka heysta.
Mar ay beIN Sports waydiisay Ronaldo haddii uu filanayo in Real Madrid ay u soo bandhigto heshiis hormarsan ayaa yiri:
“Ma doonayo inaan heshiiska cusbooneysiiyo, Ma doonayo.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay heshiiska ii harsan, afar sano ayaa iiga harsan qandaraaskeyga.
Wariyihii wax wareysanayay ayaa su’aasha ku adkeeyay xiddiga reer Portugal isagoona ku yiri:
“Ma Hubtaa?,”
Ronaldo ayaa si bareer cad ku yiri: “Ma doonayo inaan heshiiska cusbooneysiiyo.”.
Gool FM.