(England) 03 Nof 2017. Xiddigii hore ee Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid Michael Owen ayaa saadaaliyay kulamada la ciyaari doono Usbuucan Premier League oo ay ka mid yihiin kulamada xiisaha badan ee Chelsea vs Man United iyo Man City vs Arsenal.
Laacibka reer England ayaa wada saadaaliyay dhammaan kulamada Usbuucan balse waxaan ka soo qaadan doonaa kulamada waa wayn.
West Ham v Liverpool:
Wuxuu ku saadaaliyay in kooxdiisa hore ay ku adkaan doonto 1-3.
Tottenham v Crystal Palace
Wuxuu saadaaliyay in Spurs ay ku adkaan doonto 2-0
Manchester City v Arsenal
Wuxuu saadaaliyay in hogaamiyayaasha Premier League ay 4-1 uga taqalusi doonaan Gunners.
Chelsea v Manchester United
Wuxuu saadaaliyay in kulankan lagu kala bixi doono bar baro waliba goolal la’aan ah.
Gool FM.