Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Labada Waji ee Cristiano Ronaldo Xilli ciyaareedkan…(Libaax vs Bisad)

$
0
0

crr

(Madrid) 03 Nof 2017. Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkan la soo baxay labo waji, waa libaax markuu joogo Champions League, La Ligana bisad.

Goolkii uu ka dhaliyay Tottenham ciyaartii Real Madrid lagu dubtay 3-1 ayaa ka dhigan in xiddiga reer Portugal uu yahay hogaamiyaha gool dhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan.

Ma ahan wax ka cusub oo Ronaldo waa kan ugu goolasha badan ebid taariikhda koobka Horyaalada Yurub.

Yeelkeede, Roobkaasi wuxuu uga da’ayaa oo qura dhanka Champions Leagu oo abaar ba’an ayaa ka heysata horyaalka La Liga.

Xiddiga dhawaan loo caleemo saaray laacibka sanadka ee FIFA isla markaana loo saadaalinayo Ballon d’Or ayaa kaliya hal gool xilli ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka Spain waana tan keentay inuu malaha u muuqdo labo qof oo kala duwan.

Real Madrid ayaa sideed dhibcood sare u fiirineysa Barcelona halka xiddigooda Ronaldo uu 540 daqiiqo uu ciyaaray ku dhaliyay hal gool oo madi ah.

Sikastaba kabtanka xulka Portugal ayaa rajeynaya inuu dib u habeyn isaga sameeyo dhanka La Liga isla markaana shabaqa tago kulanka soo socda ay axada la dheeli doonaan Las Palmas.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles