Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Manchester United waa kooxda ugu Caajiska badan Premier League….(EEG Tiro-koobkan)

$
0
0

joose

(England) 07 Nof 2017. Tiro koob la soo saaray ayaa sheegaya in Manchester United ay tahay kooxda ugu caajiska badan Premier League ilaa iminka xilli ciyaareedka cusub.

Wiilasha Jose Mourinho ayaa axadii guul darro kala kulmay Chelsea iyagoona soo bandhigay bandhig cad oo liita.

Man United ayaa qaab heer sare ah oo ay ku bilaabatay Premier League kaddib bilowday hoos u dhac muuqda.

Kaddib guul daradii ka soo gaartay Blues waxay iminka sideed dhibcood oo nadiif ah u jiraan hogaamiyayaasha horyaalka ee Manchester City.

 Man United have run the least distance as a team in the league this season

Macallinka reer Portugal ayaa waxaa soo gaaraya dhaleeceymo xoogan oo ku aadan qaab ciyaareedkiisa daafaca ee caajiska miiran.

Mourinho ayaa Baska ku hor jaray gooshiisa kulamadii uu ilaa iminka la ciyaaray kooxaha sare sida Liverpool, Tottenham iyo Chelsea.

Tiro koob cusub oo la soo saaray ayaa muujineysa Caajiska kooxda Man United.

1,162km ayay isku dar shaxda Man United ku ordeen garoonka, ku dhawaad 100 km ayay ka dambeeyaan Bournmeouth (1,255.8km) oo hogaamineysa tiro koobka la soo saaray.

West Brom iyo Tottenham ayaa kala galay labaad iyo saddexaad iyadoo ciyaartoydeeda ay muujinayeen tamar xoog leh isla markaana si fiican ugu cararay garoonka.

Liiska 10-ka sare waxaa soo dhammeystiray Watford, Burnley, Arsenal, Chelsea, Brighton, Man City iyo Huddersfield, halka Liverpool ay si lama filaan ah u gashay 11-aad.

Sikastaba Man United ayaa halka ugu hooseysa kaga jirta liiskan sheegaya Tiro koobka inta ay kooxaha ku ordeen garoonka ilaa iminka Premier League taa oo caddeynaysa in kooxda Jose ee ku dhisan daafaca ay tahay kooxda ugu caajiska badan horyaalka.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles