(Madrid) 08 Nof 2017. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu aad uga xanaaqsan yahay saaxiibkii Isco maadaama uu u mahad celin waayay kaddib markii uu u dhiibay gool hoo I dhali ah ciyaartii dhaweyd ay 3-0 uga adkaadeen Las Palmas.
Xiddiga reer Portugal ayaa dhammeystay ciyaarta inkastoo ay saddexda gool kala dhaliyeen Casemiro, Marco Asensio iyo Isco.
Laakiin Ronaldo ayaa si xirfadeysan u caawiyay goolka Isco uu dhaliyay daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta.
Laacibka reer Spain ayaa markii uu goolka dhaliyay sida caadada u ahay dabaal degiisa labada farood cirka u taagay, halka xiddigaha Real Madrid ay u mahad celiyeen labada laacib kan dhaliyay iyo kan dhiibayba.
Isco ayaa dabaal degiisa kaddib soo aaday dhanka Ronaldo si uu uga mahad celiyo caawintiisa.
Laakiin kabtanka Portugal ayaa sida uu warinayo Onda Cero programme El Transistor uu aad ugu carreysan yahay Isco maadaama markii uu goolka dhaliyay uusan si toos ah u soo aadin dhankiisa si uu ugu mahad celiyo isagoon wax kale ku mashquulin.
Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos oo ciyaarta kaddib hadlay ayaa qudhiisa sheegay in Ronaldo uu gurigiisa u hoydo isagoo carreysan markasta oo uu gool dhalin waaayo.
Gool FM.