(World) 08 Nof 2017. Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado in wareega group yada koobka adduunka lagu aadiyo xulka Spain.
Spain ayaa ku jirta dheriga labaad ee isku aadka koobka adduunka ee la sameyn doono kowda bisha December.
Halka Argentina oo rafaad ugu soo baxday koobka adduunka ay ku jirto dheriga koowaad taa oo looga mahad celinayo Messi oo dhaliyay saddexdii gool ay uga adkaadeen Ecuador kulankii ku xirnaa noloshooda World Cup 2018 lagu qaban doono Ruushka.
“Waxaan doorbidayaa inaan Spain ku aadin wareega Group yada koobka adduunka ee 2018. Maxaa yeelay waa kuwa aad u adag.”. Messi ayaa sidaa yiri.
Dhanka kale Lionel Messi ayaa qiray inuu weli doonayoinuu u ciyaaro kooxdiisii caruurnimada ee dalka Argentina.
“Weli waa inaan u ciyaaraa Newell’s Old Boys, rabitaanka inaan ciyaaro kubbada cagta Argentina waa mid had iyo jeeri jiri doonta.”.
Gool FM.