Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Cristiano Ronaldo wuu qaldan yahay.”. Sergio Ramos

$
0
0

ramos

(Madrid) 09 Nof 2017. Cristiano Ronaldo ayaa guul daradii Tottenham kaddib sheegay inay kooxda saameysay xiddigihii muhiimka ahaa ay iska direen.

Xiddigo ay ka mid yihiin James Rodriguez, Pepe iyo Alvaro Morata ayaa suuqii xagaaga ka tagay Real Madrid, kabtanka xulka Portugal ayaana sheegay inaan badel loo helin khibrada ay ciyaartoydaasi lahaayeen.

Balse waxaa warkaa ka biyo diiday kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos oo aaminsan in kooxdu weli shub tahay.

“Ronaldo wuu u dabaal degay goolashii Isco. Qof kasta fikrad gaar ah ayuu ka qabaa midaa,” Ramos ayaa sidaa ku yiri wareysi uu siinayay Cadena SER.

“Waqti dheer ayaan garanayaa isaga waxaana garanayaa hamigiisa iyo xanuunka uu dareemi karo marka uu guriga aado.

“Malaha waxaa la arkaa inay taa ahayn sida ugu fiican uu ahaan lahaa, balse waa loo ogolaaday inuu sidaa ahaado.

“Wax iga galay malahan qofka gool dhaliya, xitaa haddii uu goolhaye Navas ku cararo garoonka uuna gool dhaliyo, laakiin waa run in Ronaldo uu leeyahay door ka duwan iyo iyo yool kale sida Ballon d’Or, laakiin wax badan ayuu ina siiyaa mana ka niyad jabi karno.

“Kuma raacsani Ronaldo inay wiiqday kooxda, cidna ma aaminsanayn markii aan ku guuleysanay Super Cup.

“Cidna ma tabeyno. Wax kasta ayaan kula guuleysanay isla ciyaartoyda halkan joogta, shaxdu way is badeshay laakiin ciyaartoyda waxyaabo kala duwan ayay ku soo kordhiyaan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles