(Europe) 09 Nof 2017. Eden Hazard ayaa qiray inay Riyo u rumowday noqon doonto haddii uu mar uun ka hoos ciyaaro tababare Zinedine Zidane.
Xiddiga garabka weerarka kaga ciyaara Chelsea ayaa sheekadan shaaca ka qaaday mar uu wareysi siinayay Kanaalka dalka Belgium ee RTL TVI ka hor kulamada saaxiibtinimo uu xulkiisa la kala ciyaari doono Mexico iyo Japan.
Hadalkan ka soo yeeray laacibka reer Belgium ayaa walaac ku noqon kara taageerayaasha Chelsea iyadoo uu markale laacibka si muuqata u caddeeyay sida uu ula dhacsan yahay Zidane.
“Riyo ayay noqon doontaa inuu Zidane tababare ii noqdo, wuxuu ahaa mid aan ku dayado markii aan yaraa,”Hazard ayaa sidaa yiri.
“Xushmad badan ayaan u hayaa isaga.
Dhanka kale Hazard ayaa sidoo kale sheegay inuu markale ka hoos shaqeyn karo Jose Mourinho iyadoo la ogsoon yahay inay salaanta isla dhinac dhaafeen ciyaartii dhaweyd ay Blues goolka madiga ah uga adkaatay Manchester United.
“Ima dhibeyso inaan ka hoos ciyaaro Jose Mouirnho.”.
Gool FM.