(Europe) 10 Nof 2017. Alvaro Morata ayaa qaba in Neymar uu ku biiri karo kooxdiisii hore ee Real Madrid balse ay aad u adag tahay.
Laacibka reer Brazil ayaa markale lala xiriirinayaa Los Blancos iyadoo kabtanka kooxda ee Sergio Ramos uu sheegay inay albaabada u furan yihiin 25-jirka haddii uu ku soo biirayo dhankooda.
Neymar ayaa lacagihii ugu qaalisanaa kubbada cagta ugu biiray PSG, wuxuuna sii cago cageynayaa 11 gool 12 kulan uu dhammaan tartamada u saftay kooxda reer France.
Morata oo ka soo tagay Real Madrid suuqii xagaaga ayaa sheegay inay adkaan doonto in Neymar u dhaqaaqo Bernabue balse ay suuro gal tahay.
“Waxaan aaminsanahay inay adag tahay sababo la xiriirta waayihiisa hore,” dhaliyaha reer Spain ayaa sidaa u sheegay El Larguero.
“Laakiin mar hore ayaan aragnay in Real Madrid ay wax kasta suuro gal ka yihiin.”.
Gool FM.