Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Juventus oo bursaneysa Bellerin

$
0
0

pe

(Europe) 10 Nof 2017. Juventus ayaa raacdo xoogan ugu jirta sidii ay ku heli lahayd daafaca garabka Midig ee Arsenal Hector Bellerin.

Gunners ayaa filaneysa inay wajahdo dagaal ah sidii ay u xafidan lahayd daafaceeda marka uu suuqa dib u furmo bisha Janaayo.

Bellerin ayaa lagu soo bilaabay kulan kasta oo ka tirsan Premier League kal ciyaareedkan.

Hector Bellerin

Laakiin warsidaha Talyaaniga ee TuttoMercatoWeb ayaa soo jeedinaya in camaaliqada Talyaaniga ay xiriir la sameysay wakiilada daafaca reer Spain.

Juve ayaa waysay daafaceeda garabka midig ee Dani Alves kaddib markii uu suuqa xagaaga uga biiray kooxda maal qabeenada ee PSG.

Hector Bellerin

Waxyna iminka aad u doonayaa inay fursada ugu horreysa ee macquulka ah ku buuxiyaan booskii uu ka baxay.

Inkastuu Bellerin 22 jir uun yahay misane in ka badan 100 kulan ayuu u saftay kooxda Arsenal.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles