(Europe) 14 Nof 2017. Rugcadaagii Chelsea Didier Drogba ayaa shaaca ka qaaday qorshihiisa inuu isaga fariisanayo ciyaaraha.
Kabtankii Ivory Coast ee iminka u ciyaara kooxda yar ee soo koreysa Phoenix ee ka dhisan Mareykanka ayaa sheegay inuu ka fariisan doono ciyaaraha dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Olalaha horyaalka USL ayaa bilaaban doona March 2018 wuxuuna dhammaan doonaa November.
“Waxaan u maleynayaa in sanadka soo socdo uu noqon doono xilli ciyaareedkii igu dambeeyay,” 40-jirka ayaa sidaa u sheegay RMC Sport.
“Waqtiga gaar waa inaad joojisaa, waxaan doonayaa inaan waqti u helo mashruucaydeeda kale.”.
Drogba ayaa noqday shaqsigii ugu horreeyay oo laacib iyo milkiilaba u wada noqda koox ka dhisan Mareykanka kaddib markii uu sanadkan iibsaday kooxda Phoenix.
Gool FM.