Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Hazard oo Shaaca ka qaaday Laacibka uu maaliyada ka badelan doono kulanka habeen dambe ee Liverpool

$
0
0

hzad

(England) 24 Nof 2017. Eden Hazard ayaa af cad ku sheegay laacibka uu habeen dambe Maaliyada ka badelan doono kulanka Liverpool vs Chelsea ee Premier League.

Xiddiga reer Belgium ayaa saaxiib dhow la noqday Maxamed Saalax mudadii yareyd uu ku sugnaa Stamford Bridge.

“Waan la hadli doonaa Mohamed Salah, waxaan doonayaa inaan cadaadis saaro isaga, weli waan xiriirnaa,” Hazard ayaa sidaa yiri.

“Kolkaan wada joognay Chelsea waxaan bilownay inaan wada hadalno iminkana weli waa saaxiibkeey, waxaan ka hadalnaa wax kasta- nolosha, kubbada cagta, wax kasta.

“Way fiican tahay inaad saaxiibo ku yeelato adduunkan maxaa yeelay kubbada cagta ma yeelan kartid saaxiibo badan.

“Waxaan doonayaa inuu si fiican sameeyo isaga, laakiin wax badan ma ahan waayo waxaan dooneynaa inaan adkaano.

“Laakiin hubaashii waxaan doonayaa inaan waydiisto Maaliyadiisa.”.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles