(Manchester) 11 Dis 2017. Man City ayaa xalay Old Trafford maraqa uga cabtay Man City oo ay ku martay 2-1 iyadoo hogaanka sii dheereysatay.
Ciyaarta kaddib ayaa waxaa qolka dharbadelashada labada kooxood ku dhex maray dagaal ka dhashay ‘War Buuqa naga yareeya’.
Waxaa la wariyay in Mikel Arteta oo ka mid ah tababarayaasha ka hoos shaqeeya Guardiola uu dhiig ka soo daatay wajigiisa gaar ahaan isha meesheeda sare kaddib markii lagu dhuftay caagada biyaha.
Radio ga dalka Spain ee station Cedenaser ayaa iminka warinaya in dhaawaca gaaray Arteta uu ka dhashay Caagada uu ku soo tuuray Romelu Lukaku.
Ma jiraan warar soo jeedinaya in si kas cad ah loola bartilmaameedsaday caagada lagu soo tuuray.
Dagaalka ayaa markiisa hore ka dhashay in Jose Mourinho uu soo abaaray qolka dharbadelashada Man City isagoo u sheegaya inay gaabiyaan Music u daarnaa isla markaana ay xushmad muujiyaan.
Man City ayaa aamini waysay cabashada Jose maadaama uu Music si Caadi ah ugu daarnaa oo aan buuq badan lahayn.
Yeelkeede, Lukaku iyo Jose ayaa ku lug lahaa is qab qabsi 20 ruux ku dhex maray meesha yar ee looga duso qolka dharbadelashada ilaa markii dambe ay soo kala dhex galeen ilaalada garoonka iyo Booliska.
Waxaana la sheegay in macallinka reer Portugal lagu soo tuuray caag biyo iyo caano.
Sawirro goor dhow la helay ayaa muujinaya Arteta oo wajiga daboolanaya isagoo qarinaya dhaawaca isha ka gaaray xalay.
Gool FM.