(England) 12 Dis 2017. Macallinkii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa weerar daran ku qaaday Jose Mourinho oo uu ku cambaareeyay inuu ciyaarayo kubbad lagu caajiso.
Van Gaal ayaa sidoo kale sheegay halkii uu daawan lahaa Red Devils uu door bidayo inuu daawado wiilasha Pep Guardiola wuxuu kaloona difaacday kubbaddii uu ciyaari jiray waayihiisii Old Trafford.
Macallinka reer Holland oo ay Jose iskala soo shaqeeyeen Barcelona 1997 ayaa aaminsan in kooxdiisii United ee 2015/16 ay ka mado daalo badneyd midda iminka ee macallinka reer Portugal.
“Waxaan ciyaarnay kubbad yare fiicneyd, balse ma ahayn kubbad looga Maqsuuday England,” Van Gaal ayaa sidaa yiri.
“Haddii aad I waydiiso sidii aan ka soo sameeyay United, waxaan oranayaa wuxuu ahaa sanadkeygii ugu wacnaa ebid, anigoo bixiyay daruufaha dhan aan ku shaqeynayay.
“Welina iminka marka aad eegto United, waa inaan ku soo gabo gabeeyaa inaan la dhaleeceynayn Mourinho iyadoo ay jirto inuu ciyaarayo kubbad lugu caajiso.
“Had iyo jeer waxaan ciyaari jiray kubbad weerar ah. Caddeyna waxaa u ah in kooxaha naga soo horjeeda ay goosha ku hor jari jireen Bas.
“Hadda sidaas ma sameeyaan waayo Jose Mourinho wuxuu ciyaaraa kubbad daafac miiran.
“Halkii aan daawan lahaa Man United oo ciyaareysa waxaan daawanayaa Man City, waxaad u baahan tahay inaad tayo ku heysato shaxda, wayna cadahay in City ay heysato shaxda fiican.”.
Gool FM.