(Europe) 12 Dis 2017. Sidaan horey idin kugu balan qaadnay waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ay Jariiradaha ka qoreen xanta Suuqa kala iibsiga maadaama lagu dhow yahay Bisha Janaayo oo uu dib u furmayo Suuqa.
Haddaba Aqriso wararka xanta ay ay saakay oo Talaado ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:
Dhaliyaha Arsenal Olivier Giroud, 31-jir ayaa daaha ka rogay inuu ka fikiri doono ka tagistiisa Emirates si uu sare ugu qaado fursada loogu soo xulan karo shaxda France ee koobka adduunka. Everton iyo West Ham ayaa lala xiriirinayay. (Sun)
Yeelkeede, Arsene Wenger ayaa sheegay in Giroud aan la iibin doonin Janaayo iyadoo uu eeganayo inuu weeraryahanka siiyo daqiiqado badan uu ku ciyaaro Premier League. (Independent)
Arsenal ayaa sameynaysa dadaalkoodii ugu dambeeyay si ay Ozil ugu sii hayaan kooxda iyagoo rajeynaya in wada hadalo cusub ay ku qal qaalin karto 29 jirka inuu sii joogo xilli ay jirto xiisaha kaga imaanaya Barcelona iyo Man United. (Daily Mirror)
Real Madrid ayaa weli go’aansan karta inay u soo dhaqaaqdo goolhayaha reer Belgium ee kooxda Chelsea Thibaut Courtois, 25-jir. (Sun)
Real Madird ayaa marar badan lala xiriirinayay goolhayaha Man United David de Gea, sidoo kale waxaa la filayaa inay la soo saxiixato goolhayaha Athletic Bilbao Kepa Arrizabalaga, 23-jir bisha Janaayo iyadoo ay sameysay dalab 25 milyan oo euro isla marka uu suuqa furmayo. (Marca)
Qoraa Jose Mourinho kala shaqeeyay Buugiisa dhawaa ayaa aaminsan in Man United ay xagaaga Real Madrid kala soo saxiixan doonto Gareth Bale 28-jir. (Daily Express)
Crystal Palace ayaa kalsooni ku qabtay inay gaari doonto heshiis ay kula soo saxiixaneyso 36 jirka goosha u ilaaliya Espanyol Diego Lopez. (Daily Mirror)
Daniel Sturridge ayaa la arkaa inuu ka fikiro inuu u dhaqaaqo Yurub suuqa Janaayo, Real Betis aiyo Valencia ayaa la maleynayaa inay xiiseynayaan 28-jirka (Daily Mail)
Sam Allardyce ayaa waydiin doona laacib kasta oo ka tirsan safka hore ee Everton haddii ay doonayaan inay qeyb ka sii ahaadaan mustaqbalka kooxda ka hor inta uusan dhammeystirin qorshooyinkiisa Suuqa ee bisha Janaayo. (Guardian)
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.