(Europe) 13 Dis 2017. Sidaan horey idin kugu balan qaadnay waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ay Jariiradaha ka qoreen xanta Suuqa kala iibsiga maadaama lagu dhow yahay Bisha Janaayo oo uu dib u furmayo Suuqa.
Haddaba Aqriso wararka xanta ay ay saakay oo Arboco ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:
Chelsea ayaa dalab 80-milyan oo bound u diyaarineysa weeraryahanka reer France ee naadiga Monaco Thomas Lemar, 22-jir kaa oo ay sidoo kale bishii Agoosto xiiseynayeen Liverpool iyo Arsenal. (L’Equipe)
Macallinka West Ham David Moyes ayaa ka fiirsanaya inuu Janaayo u dhaqaaqo xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Jack Wilshere, 25-jir. (Guardian)
Daafaca Juventus Alex Sandro,26-jir ee bartilmaameedka u ah Manchester United ayaa kooxdiisa reer Talyaani u sheegay inuu doonayo inuu ka tago, laakiin laacibka reer Brazil ayaa doorbidaya in bar-dhammaadkiisa ay noqoto Chelsea suuqa Janaayo. (Sun)
Xiddiga bartilmaameedka waqtiga dheer u ahaa Manchester United Antoine Griezmann, 26-jir ayaa lagu wadaa inuu xagaaga uga tago Atletico Madrid sidii uu ugu biiri lahaa Barcelona. (Independent)
Arsenal ayaa durba ogolaatay heshiis 35.3 milyan ay Janaayo kula soo saxiixaneyso 28-jirka naadiga Sivella Steven Nzonzi. (Gol)
David Sullivan oo ka mid ah milkiilayaasha West Ham ayaa taageerayasha u balan qaaday inuu kooxda ku soo kordhin doono labo ama saddex saxiix marka uu furmo suuqa bisha soo socota. (London)
Tottenham iyo Everton ayaa ku soo biiray Liiska kooxaha isha ku haya 17-jirka weerarka kaga ciyaara Hamburg ee Jann-Fiete Arp, ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dhasha qarniga 21-aad ee gool ka dhaliya Bendesliga. (Mirror)
Daafac PSG Thomas Meunier 26-jir kaa oo bilooyinkii dhawaa lala xiriirinayay Manchester United ayaa boggiisa Twitter ku qishay inuu soo dhaweyn doono inuu u dhaqaaqo Old Trafford. (Daily Express)
Tababaraha West Brom Alan Pardew ayaa usbuucan la kulmi doona agaasimaha farsamada ee Nick Hammond si uu ugala hadlo Istaraatiijiyada suuqa Janaayo, taa oo ay ka mid noqon karto heshiis amaah ah ay ugu soo dhaqaaqaan dhaliyaha Liverpool Danny Ings, 25-jir. (Daily Telegraph)
Xiddigii hore ee garabka kaga ciyaari jiray Everton Gerard Deulofeu, 23-jir ayaa Barcelona uga soo tagi kara heshiis amaah uu ugu biirayo Napoli kaddib markii uu ku guul darreystay inuu boos joogta ah ka helo Nou Camp. . (Rai Sport)
Barcelona ayaa ku dhawaaneysa heshiiska 23-jirka reer Colombia ee daafaca kaga ciyaara Palmeiras ee Yerry Mina, kaa oo ay u arkaan badelka Javier Mascherano 33-jir. (AS)
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.