Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Alex Sandro oo kala doortay Man United iyo Chelsea

$
0
0

al

(Europe) 13 Dis 2017. SunSport ayaa heshay aqbaarta in daafaca Alex Sandro uu Juventus u sheegay inuu doonayo inuu suuqa Janaayo ka tago kooxda isla markaana uu doorbidayo inuu ku biiro naadiga Chelsea.

Blues aya taagan boos aad u fiican la soo wareegista daafaca reer Brazil marka loo eego Man United oo iyana si wayn u dooneysa.

Chelsea ayaa raacdeysaneysay daafacan ka ciyaara garabka bidix suuqii xagaaga oo idil balse kooxda xafidaneysa Serie A ayaa dalbaneysay adduun dhan 80 milyan oo bound.

Image result for Alex Sandro Chelsea and Man United

Yeelkeede, waxaa iminka sii xumaanaya xiriirka Juve iyo Sandro taa oo ay Chelsea dooneyso inay ka faa’iideysato.

Juventus ayaa lagu qasbi karaa inay iska iibiso xiddigeeda ka hor inta aysan la ciyaarin Tottenham tartanka Champions League bisha Feebaraayo.

Haddii ay Blues gacanta ku dhigto Sandro waxay dhabar jab wayn ku noqon doontaa Jose Mourinho oo aad u doonayay daafac garabka bidix maadaama uu doonayo inuu kooxda ka diro Luke Shaw.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles