Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Chelsea vs Southampton

$
0
0

bluu

(England) 16 Dis 2017. Blues ayaa beydkeeda ku soo dhaweynaysa Southampton iyadoo maanka ku heysa guul ay ka gaarto ay u sii dhaweyn doonto Man United.

Wararka Labada dhinac:

Chelsea ayaa soo dhaweynaysa gool dhaliyaheeda ugu sarreeya ee Alvaro Morata kaa oo daal iyo dhibaato dhabarka ah ku seegay guushii dhaweyd ay ka gaareen Huddersfield.

David Luiz ayaa weli ku jira soo kabsashadiisa dhaawac jilibka ah wuuna ka maqnaan doonaa safka kooxda.

Tababaraha Southampton  Mauricio Pellegrino ayaa heysta shax dhammeystiran.

Nathan Redmond iyo James Ward-Prowse ayaa dib loogu yeeri karaa kaddib markii safka hore laga cunay kulankii dhawaa ay guul darada kala kulmeen Leicester City.

Wesley Hoedt  oo xitaa lagu soo darin keydka kulankii arbacada iyadoo la heli karay ayaa sidoo kale la arkaa inuu soo laabto kulankan.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Chelsea vs Southampton (Premier League)

Goobta: Stamford Bridge

Goorta: 6:00 Maqribnimo

Garsoorka: Roger East (England)

Kulamada Waji ka Wajiga:

Chelsea ayaa guul gaartay kulan kasta saddexdii kulan ee ugu dambeysay ay Premier League ku wajahdo Southampton tan iyo guul daradii 3-1 ay Stamford Bridge kala kulantay bishii October 2015.

Kooxda lagu naaneyso Saints ayaa hal kulan oo qura shabaqeeda ilaashatay 24-kii kulan ee ugu dambeeyay ay wajahdo Blues, bar baro goolal la’aan ah ay ku galeen Galbeedka London Boxing Day 2002.

Safafka Macquulka ah ee Chelsea vs Southampton:

blu

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles