Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Arsenal Vs Newcastle United

$
0
0

gu

(England) 16 Dis 2017. Arsenal oo guul arkin labadii kulan ee ugu dambeysay Premier League ayaa mininkeeda ku marti qaadeysa Newcastle United.

Wararka Labada dhinac:

Arsenal ayaa waxaa weli ka sii maqnaan doona Aaron Ramsey iyo Theo Walcott, laakiin waxaa laga yaabaa inuu soo laabto Shkodran Mustafi oo ku maqnaa dhaawac muruqa ah.

Sead Kolasinac iyo Alexandre Lacazette ayaa lagu wadaa inay soo rogaal celiyaan kaddib markii la nasiyay kulankii dhawaa ee West Ham.

Xiddiga qadka dhexe ee Newcastle United Jonjo Shelvey ayaa ganaaxan kaddib kaarkii casaa uu qaatay kulankii Everton.

Aleksandar Mitrovic ayaa dhibaato dhabarka ah ku seegaya kulanka,halka uu dib u soo laaban doono Paul Dummett.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Arsenal vs Newcastle United (Premier League)

Goobta: Emirates Stadium

Goorta: 6:00 Maqribnimo

Garsoorka: Stuart Attwell (England)

Kulamada Waji ka Wajiga:

Arsenal ayaa guul gaartay sagaal kulan oo xiriir ah Premier League ay wajahdo Newcastle iyadoona ka dhalisay 22-gool halka laga dhaliyay lix gool oo qura.

Newcastle ayaa guul daro loo soo saarinayay shantii kulan ee ugu dambeysay ay booqato Arsenal iyadoo guushii ugu dambeysay ay ka gaarto Gunners ay ahayd 1-0 bishii November 2010.

Safafka Macquulka ah ee Arsenal vs Newcastle United:

gun

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles