Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

jar

(Europe) 16 Dis 2017. Sidaan horey idin kugu balan qaadnay waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ay Jariiradaha ka qoreen xanta Suuqa kala iibsiga maadaama lagu dhow yahay Bisha Janaayo oo uu dib u furmayo Suuqa.

Haddaba Aqriso wararka xanta ay saakay oo Sabti ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:

jarr

Carlo Ancelotti ayaa dib ugu soo laaban doona Stamford Bridge iyadoona loo magacaabi doono tababaraha cusub ee Chelsea ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka soo socda. (Daily Record)

Xiddiga garabka kaga ciyaara Monaco Thomas Lemar, 22-jir ayaa laga doonayaa Chelsea oo diyaarineysa dalab lacag iyo weeraryahankeeda Michy Batshuayi. (Daily Mirror)

Batshuayi 24-jir ayaa rajeynaya inuu amaah uga tago Chelsea bisha soo socota si uu u yareeyo cabsida inuu lumiyo booskiisa xulka Belgium ee koobka adduunka. (London Evening Standard)

Xiddiga qadka dhexe ee reer Armenia Henrikh Mkhitaryan 28-jir, ayaa waxaa shaxda Mancheter United ka saaray Jose Mourinho kaddib markii ay isku dheceen labadooda intii lagu guda jiray fadhi lagu falanqeynayay Muuqaal tababarka kooxda bishii la soo dhaafay. (ESPN)

Jose Mourinho ayaa u furan inuu saxiixyo ka sameeyo Suuqa bisha soo socota iyadoo ay jirto inuusan ka helin ama taageero u ahayn suuqa kala iibsiga Janaayo. (Daily Mail)

Arsenal ayaa wada hadalo qandaraas kordhin ah la furan doonto 25-jirkeeda qadka dhexe ee Jack Wilshere ka hor inta aysan bishu dhammaan. (London Evening Standard)

Gunners ayaa sideed laacib lumin karta xagaaga soo socda iyadoo uu Arsene Wenger si xoogan isugu diyaarinayo dib u habeyntii ugu wayneyd uu shaxdiisa ku sameeyo. (Daily Mirror)

Crystal Palace ayaa bartilmaameedsaneysa weeraryahanka Monaco 26 jir ee lagu qiimeeyay 10-ka milyan oo bound. (ESPN)

Liverpool iyo Tottenham ayaa loogu digay in 20-jirka garabka uga ciyaara Fiorentina Federico Chiesa uu ugu yaraan ugu kici doono 53 milyan oo bound. (La Stampa)

West Brom ayaa eeganeysa inay heshiis joogta ah kula soo saxiixato daafaca Ahmed Hegazi 26-jir marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (Birmingham Mail)

21-jirka qadka dhexe Liverpool Marko Grujic ayaa waxaa Janaayo amaah ku wada doonaya Brighton iyo Aston Villa. (Liverpool Echo)

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles