Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Barcelona vs Deportivo La Coruna

$
0
0

bara

(Spain) 17 Dis 2017. Barcelona ayaa guul u dadaali doonta si ay uga fogaato Atletico Madrid oo saddex dhibcood u soo jirsatay kaddib guushii ay xalay gaartay.

Wararka Labada Dhinac:

Thomas Vermaelen ayaa ka sii ciyaari doona daafaca dhexe ee Barcelona maadaama uu dhaawac waqti dheer ah ku maqan yahay Samuel Umtiti.

Andres Iniesta ayaa taam u noqon kara kulanka kaddib markii uu seegay kulankii dhawaa.

Paulinho ayaa sii wadan doona shaqada adag uu ka hayo qadka dhexe si uu u caawiyo labada weerarka.

Fede Cartabia ayaa dhowr bilood dhibaato dhaawac uga maqnaan doona Deportivo.

Carles Gil ayaa ka sii ciyaari doona garabkiisa Midig halka Emre Colak uu ka ciyaari doono No.10.

Fernando Navarro ayaa loo doorbidi doonaa garabka bidix ee daafaca halka Ruben Martinez uu shabaqa u ilaalin doono kooxda martida ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Barcelona vs Deportivo La Coruna (La Liga)

Goobta: Nou Camp

Goorta: 10:45 Habeenimo

Kulamada Fool ka Foolka:

Barcelona ayaa guul gaartay 22ka mid ah 44 kulan ay la ciyaartray Deportivo.

Yeelkeede, Deportivo La Coruna ayaa ka yaabsatay Blaugrana kulankoodii ugu dambeeyay markii ay 2-1 uga adkaatay Bishii Maarso ee sanadkan mar lagu ciyaaray Riazor.

Barcelona ayaa 4-0 ku adkaatay kulankii ugu dambeeyay ee lagu ciyaaro Camp Nou.

Safafka Macquulka ah ee Barcelona vs Deportivo:

ba

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles