(Abu Dhabi) 17 Dis 2017. Real Madrid ayaa xalay loo caleemo saaray Koobka kooxaha adduunka kaddib markii ay 1-0 ku martay Gremio.
Ronaldo ayaa dhaliyay goolka ay koobka ku qaadeen isagoona sidoo kale shabaqa tagay kulankii Semi Final ka ay ka soo adkaadeen Al-Jazira.
Waxaa la filayay inuu qaadan doono abaal marinta laacibka ugu fiican tartanka balse waxaa loo gacan galiyay Luca Modric oo dhabtii wacdaro ka dhigay labadii kulan ay Los Blancos ciyaartay.
Xiddiga reer Croatia ayaa loo magacaabay Man of The Match ciyaartii Semi Finalka isagoona sidoo kale bandhig wacan ka dhigay ciyaartii xalay ee Final ka.
Ronaldo oo loo magacaabay xiddiga garoonka ee ciyaartii kama dambeysta ayaa sidoo kale helay abaal marinta Qalinka ee laacibka labaad ee ugu fiicnaa tartanka.
Waxaana kaalinta saddexaad soo galay xiddiga reer Uruguay ee garabka weerarka kaga ciyaara naadiga reer Mexico C.F. Pachuca ee Jonathan Urretaviscaya.
Gool FM.