(Madrid) 17 Dis 2017. Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa hambalyo u soo diray Real Madrid kaddib markii ay xalay ku guuleysatay koobka Kooxaha Adduunka.
Free Kick uu Ronaldo ka dhaliyay Gremio ayaa Los Blancos ka caawiyay inay hanato Club World Cup isla markaana 5-koob gaarsiiso Koobabka ay ku guuleysatay sanadka 2017.
Ra’iisul Wasaare Mariano Rajoy oo Twitter ka ugu soo hambalyeeyay kooxda uu horkoco Zidane ayaa soo qoray:
“Sharaf ayay ii tahay in kooxda ugu fiican kubbada cagta Adduunka ay Spanish tahay.
“Waxaan Real Madrid iyo shaxdeeda ugu hambalyeenayaa ku guuleysiga Club World Cup.”.
Felicito al @realmadrid y a su afición por alzar el título del Mundial de Clubes. Orgulloso de que el mejor equipo de fútbol del mundo sea español. MR pic.twitter.com/8QdroN84qm
— Mariano Rajoy Brey (@marianorajoy) December 16, 2017
Gool FM.