(Spain) 19 Dis 2017. Indhaha Caalamka oo idil ayaa markale ku foorara Barcelona kulanka El Clasico ay 23-ka bishan la yeelan doonto Real Madrid, haddii ay Salaan Sharafeed u sameyn doonto cadowgeeda iyo haddii kale maadaama ay kooxdu ku soo guuleysatay koobka Kooxaha Adduunka.
Kal ciyaareedkii la soo dhaafay, Lionel Messi iyo xarfaantiisa ayaa go’aansaday oo iska diiday inay salaan Sharafeed u sameeyaan Los Blancos oo ku soo guuleysatay Club World Cup oo lagu qabtay Japan iyagoona isla kulankii xigay Camp Nou kula ciyaaray Barcelona.
Sidoo kale Barcelona ayaa diiday inay u sacbo tumaan Real Madrid oo ku soo guuleysatay UEFA Super Cup mar ay bishii August ku wajaheen koobka Supercopa de Espana, inkastoo ay taa noqon lahayd mid aan caadi ahayn.
Valencia ayaa safaf galay oo u sacbo tumay Real Madrid bishii Janaayo ee 2015. Halka Real Betis ay sidaa oo kale u sameysay Barcelona sanadkii xigay.
isku soo wada duuboo, Barcelona ayaa looga fadhiyaa inay sabtida Salaan sharafeed u sameyso Real Madrid maadaama ay ku soo guuleysteen Club World Cup, haddii ay iska indho tiraana ma noqon doonto wax cusub maadama ay sidaa oo kale sameeyeen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Gool FM.