Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

jar

(Europe) 17 Dis 2017. Sidaan horey idin kugu balan qaadnay waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ay Jariiradaha ka qoreen xanta Suuqa kala iibsiga maadaama lagu dhow yahay Bisha Janaayo oo uu dib u furmayo Suuqa.

Haddaba Aqriso wararka xanta ay saakay oo Axad ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:

jarr

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Old Trafford dib ugu soo celiso Jonny Evans, labo sano iyo bar kaddib markii ay 29-jirka ka iibiyeen West Brom, laakiin Manchester City iyo Arsenal ayaa sidoo kale xiiseynaya. (Mirror)

West Brom ayaa diyaar u ah inay dalab kama dambeys oo qandaraas kordhin ah u soo bandhigto Evans si ay isaga caabiso kooxaha kale ee doonaya.  (Telegraph)

Jurgen Klopp ayaa u sheegay Daniel Sturridge inuu heshiis amaah ah kooxda uga tagi karo Janaayo iyadoo uu 28-jirka reer England uu eeganayo sidii uu u bad-baadsan lahaa booskiisa Koobka Adduunka. (Sun)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray suurogalnimada uu Janaayo ugu soo biiri karo kooxda xiddiga qadka dhexe RB Leipzig ee Naby Keita. (Daily Star)

Sidoo kale macallinka ayaa qiray in waaxda wax u soo indho indheysa kooxda ay cadaadis ku saareen heshiiskii uu kula soo saxiixanayay Maxamed Saalax, maadaama markii hore laga cabsi qabay inuu aad Caato u yahay inuu ku najaxo horyaalka xooga ku dhisan ee Premier League. (Daily Mail)

Macallinka Everton Sam Allardyce ayaa bartilmaameedsanaya inuu dib ula midoobo weeraryahanka Crystal Palace Christian Benteke 27-jir marka uu dib u furmo suuqa bisha soo socota. (Mirror)

Sam Allardyce ayay tahay inuu huro mid ka mid ah xiddigihiisa qadka dhexe waa haddii uu doonayo inay Everton la soo saxiixato laacibka Sevilla ee Steven Nzonzi, 29-jir. (Daily Star).

Inter Milan iyo Barcelona ayaa indho indheynaya xaalada 27-jirka daafaca kaga ciyaara Manchester United ee Daley Blind. (Calciomercato)

Arsenal iyo Chelsea ayaa ku loolami doona 20-jirka garabka kaga duula Bayer Leverkusen ee Leon Bailey. (Mirror)

Macallinka Manchester City Pep Guardiola ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu Janaayo u dhaqaaqo 28-jirka weerarka kaga ciyaara Arsenal ee Alexis Sanchez. (Sky Sports)

Macallinka West Ham David Moyes ayaa diyaar u ah inuu dalab 15 milyan oo bound ka gudbiyo xiddiga qadka dhexe Bournemouth ee Harry Arter, 27-jir. (Sun)

Macallinka Chelsea Antonio Conte ayaa u soo ifbaxay sida musharixii u dambeeyay ee xilka Real Madrid ka badelaya Zidane kaa oo heshiiskiisu dhacayo dhamamadka xilli ciyaareedka. (Sun)

Pep Guardiola ayaa u sheegay Man City inuu doonayo inuu saxiixyo ka sameeyo suuqa Janaayo kaddib markii uu kooxda waydiistay inay dhabar is-taagto iyadoo ay jirto qarashkii uu galay suuqii xagaaga. (Manchester Evening News)

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles