(Muqdisho) 29 Dis 2017. Ka hor biloowga xili ciyaareedka cusub ee horyaalka soomaaliya waxaa maanta la ciyaari doonaa Super Cup-ka Soomaaliya, kaa soo sanad walba dhexmara kooxaha ku kala guuleysta horyaalka iyo koobka Janaraal Daa’uud.
Sanadkaan waxaa wada ciyaari doono kooxaha Elman iyo Dekedda oo si weyn u xifaaltama.
C/Joon oo waqtigaan leyliya Elman ayaa ka hor tagi doono kooxdiisii hore ee Dekedda,halka Yuu Cali oo isna macallin u ah Dekedda uu wajahayo naadigii uu kusoo bar baaray ee Elman.
Daafaca lambarka 2’aad ee Nuur Tootoow ayaa lagu wadaa in laga ciyaarsiiyo khadka dhexe, maalmihii u dambeeyay tababarka ayuu booskaasi ka ciyaarayay.
Mustaf Ciro ayaa ka hor tagi doono kooxdiisii hore ee Elman, halka Xasan Afgooye uu isna wajahayo naadiga Elman oo uu waqti fiican kusoo qaatay.
Saxiixyada cusub naadiga Elman ee Meyman, Niije, Anwar, Lii Young iyo Daandii ayaa lagu wadaa dhamaantood in ay ku soo billaawdaan kullanka galabta, iyadoo dhanka kale Daa’uud Tubaal, Feysal Xaashi iyo xiddigaha ajaanibta ee Dekedda Raimon iyo Arita ay iyagana ku soo bilaaban karaan ciyaarta galabta.
Elman ayaa ku guuleysatay koobka Janaraal Daa’uud halka Dekedda ay soo qaaday horyaalka Soomaaliya.
Safafka Macquulka ah inay galabta ku soo galaan Dekadda vs Elman:
DEKEDDA.
Saciid Yamani,Bile,Xasan Afgooye, Baana,Hargaandi, Tubaal,Cabaas,qubaaye,Raimon, Arita iyo Feysal.
ELMAN:
Qaacshe,Daandii, Lii Young, Shiine Afgooye, Mustaf Ciro, Xaajoow,Mursal Gacamey,Nuur Tootoow, Mayman,Niije iyo Anwar.
Gool FM.