Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Eden Hazard oo diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Chelsea

$
0
0

hzard

(London) 29 Dis 2017. Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaan heshiis cusub u saxiixi doonin Chelsea sida uu sheegayo aabihii.

Heshiiska uu 26-jirka iminka ku joogo Stamford Brdige ayaa ka dhici doona 2020, laakiin Blues waxa ay dooneysaa inay laacibka sii heysato waqti intaa ka sii dheer.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa u bandhigtay wiilka reer Belgium heshiis cusub oo waliba sokoreysan, laakiin dalabkaasi wuu iska diiday.

Real Madrid ayaa waqti badan ku raad joogtay Hazard, Arrinkan ayaana tilmaam u noqon kara inuu hayo wadadii uu ugu soo dhaqaaqi lahaa gegada caanka ah ee Bernabeu.

hzz

Aabihii, Thierry Hazard ayaa jariirada Le Soir ee dalka Beligum u sheegay.

“Eden wa uu diiday in qandaraaska loo balaariyo, si uu u awoodo haddii loo baahdo inuu daba socdo xiisaha kaga imaanaya Real Madrid.

Yeelkeede, Wuxuu sidoo kale Odeyga xaqiijiyay inaysan jirin xiriir kaga yimid weli dhanka Real Madrid.

Eden Hazard ayaa horey marar badan si cad ugu muujiyay xiisaha uu u qabo inuu la shaqeeyo macallinka Los Blancos ee Zidane.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles