(London) 19 Jan 2018. Xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ayaa sanadkii tagay bilaabay baaritaano ku aadan sida Chelsea ay ula soo wareegtay 25-ciyaaryahan oo ajaanib ah oo da’doodu ka hooseyso 18-jirada.
Kooxda ka arrimisa Stamford Bridge ayaana ganaax la kulmi doonta haddii lagu helo inay Shuruucda jabiyeen.
Laakiin waxaa yaab leh in taageerayaasha kooxda Blues ay soo dhaweeyeen sheekadan iyagoona ka tuugaya/baryaya FIFA in Chelsea laga ganaaxo suuqa gebi ahaan kaddib markii ay soo bexeen wararka la xiriirinaya inay xiiseynayaan labada Qaaroow ee reer England Andy Carroll and Peter Crouch.
Chelsea ayaa baryahaanba ku raad joogtay Carroll balse Crouch ayaa si lama filaan ah dhawaan ugu soo ifbaxay inuu bartilmaameed u yahay Conte taa oo ka degi waysay Taageerayaasha kooxda.
“@Uefa.com @Fifa.com. Fadlan naga ganaaxa (Chelsea) inaan sameyno wax saxiixyo ah, si naxariis leh nooga caawiya inaan ka hortagno inuu dhammeystirmo saxiixa Peter Crouch.” Taageere ayaa sidaa ku soo qoray Twitter ka.
Ku kulaa yiri: “Chelsea waxay ku jirtaa tartanka Peter Crouch. Ala maxay kaftan tahay… Ma hor-marbaa mise waa dib u dhac? FIFA haloo ogolaado inay durba nagu ganaaxdo Anshax xumo.
Mid kalaa isna soo qoray: “Crouch ama Carroll? Waxaan doorbidi lahaa in nalaga ganaaxo suuqa.
Ku kalaa yiri: “Haddii ay Chelsea u weecdeen Crouch sida weeraryahan intaa kaddib haddaba hanalaga ganaaxo suuqa.
Taageere kale ayaa yiri: “Chelsea waa in laga ganaaxaa suuqa haddii ay la soo saxiixdaan Peter Crouch.
Gool FM.