(England) 19 Jan 2018. Tababaraha Leicester City Claude Puel ayaa daaha ka rogay wararkii ugu dambeeyay ee ku aadan xiddigiisa Riyad Mahrez.
Laacibka reer Algeria ayaa baryahaanba lala xiriirinayay inuu Liverpool u badeli doono booskii Coutinho oo ku biiray Barcelona iyo booska lagu wado inuu Arsenal ka banneeyo Alexis Sanchez oo ku sii jeeda Manchester United.
Waxaan meesha ka marneyn Chelsea oo sidoo kale xiiseynaysa Mahrez.
Tababare Puel ayaa kol hore sheegay in Mahrez uu ku kici doono adduun dhan 100 milyan haddii uu ka tagayo gegada King Power Stadium, balse wuxuu iminka rajeynayaa inuu weli sii heysan doono.
“Ma jiraan wax cusub oo laga yiraahdo xaalada Mahrez,” Claude Puel ayaa sidaa yiri.
“Markasta waa isla sidii, Jawaabteeda waa isku mid, Waan ku faraxsanahay isaga, isna wuu ku raaxeysanayaa kubbadiisa cagta iyo ciyaarihiisa, tani waa tan ugu muhiimsan.
“Waan arki karnaa bandhigyadiisa kulamada. Waa ciyaaryahan aad u fiican wuuna jecel yahay kooxdan. Wuu Jecelyahay saaxiibadiisa kooxda waxaana jira dareen fiican oo loo qabo.
“Waqti xaadirkan ma jiraan wax dhow inay dhacaan, aniga iyo dhammaan ciyaartoyda. Markasta waqtigan way ku adag tahay ciyaartoyda iyo kooxaha balse waa muhiin in si fiican loo maareeyo.”.
Gool FM.