(Catalonia) 19 Jan 2018. Barcelona ayaa xaqiijisay Lambarka uu xiran doono daafaceeda cusub ee Yerry Mina kaa oo noqday laacibka ugu dheer kooxda.
Xiddiga reer Colombia ayaa loo gacan galiyay Lambarka 24-aad isagoona ka ag dhawaan doona lambarada ay xirtaan daafacyada kale ee kooxda Umtiti (23) iyo Vermaelen (25).
Barcelona ayaa waxaa Lambarkan u soo xirtay ilaa 9-aad laacib uu oo ka mid yahay xiddiga qadka dhexe ee Manchester City Yaya Toure.
Fernando Couto, Carles Puyol, Andreu Fontàs iyo Jérémy Mathieu oo daafaca uga soo wada ciyaara Barca ayaa horey u soo xirtay Lambarkan.
Waxaa sidoo kale soo xirtay Roger Garcia, Andrés Iniesta, Yaya Touré iyo Sergi Roberto.
Gool FM.