(Europe) 19 Jan 2018. Dhaliyihii hore ee Arsenal Emmanuel Adebayor ee iminka u safta Istanbul Basaksehi ee ka dhisan Turkiga ayaa ka dhawaajiyay inuu Necebyahay Gunners isla markaana ku sheegay Wenger inuu yahay Beenaale isagoona tooshka ku ifiyay waxa uu ka doorbidayo Jose Mourinho oo waqti yar uun soo leyliyay berigii uu amaahda ku joogay Real Madrid.
33-jirka reer Togo ayaa ahaa weeraryahankii ugu horreeyay ee ka taga Arsenal isagoo u dhaqaaqa dhanka Manchester, waxaana ku soo xigay Samir Nasri iyo Robin van Persie iminkana waxaa lagu wadaa in Sanchez uu wadadaa oo kale raaco.
“Mourinho waa mid ka mid ah tababarayaasha aan jeclahay aana had iyo jeer jeclaan doono,” Adebayor ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.
“Waa mid ka mid ah Macallimiinta ugu daacadsan aan la kulmay waayaheyga ciyaareed, taa oo ah mid waali ah maxaa yeelay inta badan tababarayaasha waa kuwa aan jirin oo Fake ah.
“Tusaale ahaan, Arsene Wenger ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay markii uu ii sheegay inay tahay inaan kooxda ka tago maxaa yeelay uma arkin inuu mutaqbalkeyga yaalo Arsenal.
“Waxaan islahaa sida ‘Waan sii joogayaa’ isna wuxuu islahaa sida ‘Maya, xitaa kuuma qaban qaabinayno kulamo aad ku dagaalanto aad isku muujiso. Waad dhaqaajineysaa amaba waad sii joogeysaa adigoon wax kulan ah ciyaari doonin.
“Sidaa darteed ma heysan Dooq kale aan ka ahayn inaan ku biiro Manchester City, taa oo aan aad ugu faraxsanaa inaan ku biiro.
“Maalinkii xigay markii aan ku biiray Manchester City, waxaan arkay isagoo Shir Jaraa’id ku sameynaya London kuna dhahaya inaan anigu doonay inaan ka tago kooxda maxaa yeelay lacagta aad ayay u badneyd iyo wax kasta, laga bilaabo maalinkaa waa halka uu iiga bilowday Naceybka Arsenal.
“Ma ahan Taageerayaasha maxaa yeelay Taageerayaashu waa taageerayaashii ugu horreeyay ee reer England ee Magaceyga ku heesa London.
“Xitaa Maanta marka aan iyaga daawado waxaan doonayaa inay guuleystaan laakiin isla waqtigaana waxaan doonayaa inay guul darreystaan maxaa yeelay Carada aan u qabo aad ayay u wayn tahay.
“Mourinho waa tababare doonaya inuu ku guuleysto koob. micno malahan waxa ay ku qaadato xitaa haddii uu Baska dhigto, Tareen amaba Diyaarad wuxuu doonayaa uun inuu guuleysto, wuxuuna sameyn doonaa wax kasta oo ay ku qaadato si uu u guuleysto.
“Ma jiifanayo. Wuxuu shaqeynayaa 24-ka saac si uu hal kulan u guuleysto, Arsene Wenger wuxuu jecel yahay uun inuu caruur keeno kooxda ayna noqdaan ciyaartooy waa wayn. Waa sida Macallin Iskuul.”.
Adebayor oo horkacaya Man City ayaa bil kaddib ka hor yimid kooxda uu ciilka u qabay ee Arsenal gool ayuuna ka dhaliyay ciyaar ay 4-2 uga adkaadeen bishii September 2009, Xiddiga reer Togo ayaana u cararay dhanka taageerayaasha Gunners isagoo mutay Jilbaha kuna hor dabaal degay.
33-jirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:
“Maxaa Maskaxdeyda ka guuxayay? Maxbuus la sii daayay.
“Waxaan kooxda u ciyaaray saddex sano iyo bar. Waxay igu soo iibsadeen 3 ama 4-milyan waxayna igu iibiyeen 27-milyan, welina magacyo ayay iigu yeerayaan. Waxay weli ii sheegayaan inaan Lacag darteed uga tagay kooxda.
“Waxaad igu soo iibsateen saddex Milyan, welina waxaa ii harsanaa 5-sano oo heshiis ah waxaana iga macaashteen 20-milyan oo dheeri ah waxaadna ii sheegeysaan inaan aniga ahay qofka lacag darteed kooxda uga tagay waadna i afgalaadeynaysaan.”.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.