(England) 20 Jan 2018. Gunners ayaa soo dhaweynaysa Crystal Palace xilli uu ka maqan yahay xiddigeeda Alexis Sanchez kaa oo qarka u saaran ku biirista Manchester United.
Wararka Labada dhinac:
Arsenal ayaa markii ugu horreysay sanadka cusub 2018 helaysa daafacyadeeda Laurent Koscielny iyo Nacho Monreal oo dhaawacyo ku maqnaa.
Mesut Ozil ayaa dib uga soo laaban kara dhibaato jilibka ah, halka Ainsley Maitland-Niles uu u muuqdo inuu ka soo kabtay xanuun.
Joel Ward ayaa u soo laabtay Crystal Palace kaddib bil uu ku maqnaa dhaawac gumaarka ah, Yohan Cabaye ayaa isna ka soo kabtay dhibaato yar.
Ruben Loftus-Cheek, Andros Townsend, Mamadou Sakho iyo Scott Dann ayaa Crystal Palace uga maqan dhaawacyo waqti dheer.
Ogeysiiska ciyaarta:
Kulanka: Arsenal vs Crystal Palace (Premier League)
Goobta: Emirates Stadium
Goorta: 6:00 Fiidnimo
Garsoorka: Chris Kavanagh (England)
Kulamada Fool ka Foolka:
Guusha kaliya ay Crystal Palace ka gaartay Arsenal 16-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League iyo League Cup ayaa ahayd kal ciyaareedkii tagay kolkaa oo ay 3-0 uga adkaatay gegada Selhurst Park (1-guul, 4-bar baro iyo 11-guul darro).
Guusha kaliya ay Crystal Palace ku soo gaartay garoonka Arsenal horyaalka Ingiriiska ayaa ahayd 2-1 bishii October 1994, kolkaa uu labada gool u saxiixay John Salako.
Arsenal ayaa goolal dhalineysay dhammaan 17-da kulan ee horyaalka ay garoonkeeda kula ciyaartay Palce, wadar ahaan 39-gool ayay ka xareysay, isku cel celis kulankiiba 2.3.
Safafka Macquulka ah ee Arsenal vs Crystal Palace:
Gool FM.