(England) 20 Jan 2018. Man City oo iska ilaalineysa inay dhibco dambe lumiso kaddib guul daradii ugu horreysay xilli ciyaareedkan Premier League oo ka soo gaartay Liverpool ayaa soo dhaweyn doonta Newcastle.
Wararka Labada dhinac:
David Silva ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Manchester City kaddib markii uu seegay kulankii ay guul darada kala kulmeen Liverpool usbuucii tagay sababo Calool xanuun.
Fabian Delph oo ku baxay dhaawac Jilibka ah dheeshii ka dhacday Anfield ayaa lagu wadaa in booskiisa lagu soo badelo Danilo, halka Vincent Kompany uu markale maqnaan karo.
Newcastle ayaa tijaabooyin marsiin doonta Dwight Gayle kaddib markii ay jug ka soo gaartay ciyaartii ay bar baraha 1-1 la galeen Swansea City.
Florian Lejeune ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaanshihiisa maadaama uu qabo dhaawac cagta ah halka uu maqnaan doono Jesus Gamez.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Man City vs Newcastle (Premier League)
Goobta: Etihad Stadium
Goorta: 8:30 Habeenimo
Garsoorka: Paul Tierney (England)
Kulamada Fool ka Foolka:
Manchester City ayaa Newcastle kala kulantay hal guul darro oo qura, waana kulan ay mininkeeda ku ciyaareysay League Cup bishii October 2014.
Newcastle ayaa adkaatay kaliya hal kulan 17 kulan ay booqatay Man City Premier League (4-bar baro iyo 12-guul darro), sideedii kulan ee ugu dambeysay si xiriir ah ayaa looga adkaanayay.
Manchester City ayaa ugu yaraan afar gool ka dhalineysay Newcastle United afartii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ay garoonkeeda kula ciyaarto. Kooxdii ugu dambeysay oo sidaa oo kale sameysa waxay ahayd Tottenham 1966 kolkaa ay goolal ku quftay Blackburn shan kulan oo xiriir ah.
Safafka Macquulka ah ee Manchester City vs Newcastle United:
Gool FM.