(Europe) 20 Jan 2018. Waxaa gabo gabo u muuqata sheekada baryahaanba soo jiitameysay ee Alexis Sanchez, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan.
Sanchez ayaa la warinayaa inuu macsalaameeyay saaxiibadiisa Arsenal ka hor inta uusan ka soo tagin Hoteelkooda xalay waqtiga 11pm ee dhanka UK.
Waxayna u muuqataa inuu ku sii dhawaanayo inuu dhammeystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Manchester United iyadoo uu Henrikh Mkhitaryan u dhaqaaqi doono dhanka kale.
Faah faahinta heshiiska la isku weedaaran doono labada laacib ayaan weli la xalin.
Laakiin warsidaha Mirror ayaa wariyay in Sanchez laga soo wacay Taleefan ka hor inta uusan macsalaameen saaxiibadiisa isla markaana uusan Hotelka ka soo tagin.
Sheekada dhaliyaha reer Chile ayay isku xiran yihiin Mkhitaryan, waxaana la sheegay inuu isna soo macsalaameeyay saaxiibadiisa Manchester United isagoo ilmeenaya maadaama uu ka xun yahay sida ay Man United ugu qasabtay heshiiska balse uu ku faraxsan yahay inuu waqti fiican ka heli doono Arsenal.
Dhanka kale Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku sii dhawaanaya inuu heshiis 53-milyan ugu soo dhaqaaqo Gunners si uu ugu badelo booska Sanchez.
Borussia Dortmund ayaa la sheegayaa in Maanta oo sabtid ah ay London u soo diri doonto Agaasimahooda Ciyaaraha Michael Zorc si uu u dhammeystiro heshiiska uu wiilka reer Gabon ugu biirayo Arsenal.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.