Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

$
0
0

(Europe) 20 Jan 2018. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmay isagoona socon doona bishan oo idil, Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa lala saxiixday intaba insha’alaah.

Haddaba Aqriso wararka xanta ay saakay oo Sabti ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:

Macallinkii hore ee Barcelona Luis Enrique ayaa isku diyaarinaya inuu Xagaaga xilka Chelsea ka badelo Antonio Conte, iyadoo daaficii hore ee Blues Juliano Belletti uu ka dhigan doono agaasimihiisa ciyaaraha . (Star)

Tababaraha Manchester City Pep Guariola ayaa bartilmaameedka koowaad u ah naadiga PSG. (Mirror)

Tottenham ayaa filaneysa inay Arsenal ku garaacdo saxiixa 20-jirka qadka dhexe reer Brazil ee naadiga Bordeaux Malcom. (Telegraph)

Weli heshiis ma dhicin, laakiin macallinka Manchester City Guardiola ayaa Man United ugu hambalyeeyay saxiixa weeraryahanka Arsenal ee Alexis Sanchez 29-jir. (Talksport)

Manchester City ayaa isaga baxday heshiiska ay Arsenal uga soo saxiixan lahayd Sanchez iyadoo ka cabsatay inuu saameyn ku yeesho xasiloonida dhaqaale ee kooxda. (Times)

Alexis Sanchez ayaa lagu soo bilaabi karaa kulanka maanta ee Crystal Palace kaddib markii uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda shalay iyadoo uu markii hore tababarka la qaadanayay kooxda yar yarka. (Mirror)

Balse warkale ayaa sheegaya in Sanchez uu macsalaameeyay saaxiibadiisa kooxda ka hor inta uusan xalay ka soo tagin hoteelkooda. (Express)

Tababaraha Newcastle United Rafael Benitez ayaa diidan inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Newcastle isagoona kooxda ka sugaya inay bishan sameeyaan saddex ilaa afar saxiix. (Guardian)

Liverpool ayaa dar dar galineysay inay 40-milyan ugu soo dhaqaaqan goolhayaha Stoke City Jack Butland balse waxaa loo sheegay in 24-jirka uusan beec ahayn.

Javier Hernandez ayaan dib ugu soo laaban doonin Manchester United, Besiktas ayaa ku dhow heshiis 7.5-milyan oo bound ay ku soo xero galineyso dhaliyaha reer Mexico 29-jir. (Goal)

Chelsea ayaa wada hadalo dheeri ah usbuuca soo socda la yeelan doonta Roma heshiisyada ku aadan 23-jirka garabka bidix ee reer Brazil Emerson Palmieri iyo Weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko 31-jir. (Telegraph)

Macallinka Manchester United Jose Mourinho ayaa joojiyay baadi goobka uu ugu jiray daafac uga ciyaara Garabka bidix kaddib markii uu badelay Maankiisa ku aadanaa Luke Shaw, 22-jir. (Mail)

Manchester United iyo Paris St-Germain ayaa lagu wadaa inay ku dagaalamaan saxiixa xiddiga qadka dhexe reer France Lassana Diarra, 32-jir kaa ayaa beeca xorta ah ugu soo biiri kara, laacibkii hore ee Chelsea, Arsenal iyo Portsmouth ayaa bishii la soo dhaafay ka soo tagay naadiga carbeed ee Al Jazira. (Le Parisien)

Arsenal ayaa diyaar u ah in Olivier Giroud, 31-jir ay qeyb uga dhigto heshiiska ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Gabon ee Borussia Dortmund 28-jir. (Independent)

Crystal Palace ayaa dalab 9.7 milyan ka gudbisay 31-jirka reer Talyaani ee weerarka kaga ciyaara Inter Milan. (Corriere dello Sport)

Everton ayaa xiiseynaysa saxiixa daafaca Lille Adama Soumaoro, 25-jir balse weli wax dalab ah kama gudbin. (Liverpool Echo)

Tababaraha Southampton Mauricio Pellegrino ayaa sheegay inay sameeyeen wax kasta si ay isugu dayaan inay dib ula soo saxiixdaan Theo Walcott , ka hor inta uu 28-jirka ku biirin Everton. (Southampton Echo)

W/D:Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles