(London) 20 Jan 2018. Granit Xhaka ayaa ammaan kala dul dhacay xiddiga la filayo inuu dhawaan kula soo biiro kooxda Arsenal ee Henrikh Mkhitaryan.
28-jirka ayaa lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo heshiis is weedaarsi uu Sanchez ugu dhaqaaqi doono dhanka Manchester United.
Xiddiga qadka dhexe ee reer Swiss ayaa wax badan ka garanaya tayada laacibka reer Armenia maadaama ay ka soo wada jabhadeeyeen horyaalka Jarmalka ee Bundesliga kolkaa ay u kala ciyaarayeen Borussia Monchengladbach iyo Borussia Dortmund.
“Waxaan 2009-kii aqriyay inuu yiri waxaan ka helaa Arsenal,” Xhaka oo ka hadlaya Mkhitaryan ayaa sidaa yiri.
“Waxaan hubaa inay ku haboon tahay qaab ciyaareedka halkan. Laacib kasta wuxuu leeyahay tayadiisa u gaarka ah. Isagu waa laacib wayn, sidaa darteed aan aragno waxa dhaca.
“Aad ayay u adkeyd inaad ka hor timaado isaga. Daacad markaan u hadlo waxaan doorbidi lahaa inaan ka garab ciyaaro halkii aan ka hor iman lahaa.
“Waa ciyaaryahan sida cad aad u fiica isla markaana leh tayooyin aad u fiican.”.
Henrikh Mkhitaryan ayaa wareysi uu bixiyay 2009 laga hayaa inuu yiri waxaan ka helaa Arsenal.
Gool FM.