(Europe) 20 Jan 2018. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku sii dhawaanaya inuu ku soo biiro kooxda Arsenal si uu badel ugu noqdo Alexis Sanchez oo isna qarka u saaran Manchester United.
Weeraryahanka Dortmund ayaa bixiyay Qish wayn oo ku aadan Lambarka uu doonayo inuu u xirto Gunners kaa oo ah NO.7 oo lagu wado inuu ka tago Sanchez markuu u boqoolo kooxda Jose Mourinho.
Jariirada caanka ah ee dalka Jarmalka Bild ayaa soo sawirtay laacibka reer Gabon oo xiran maaliyada NO.7 mar uu kulan baashaal ah ciyaarayay.
BILD exklusiv! Während der @BVB in Berlin spielt, kickt Auba mit seiner Familie in einer Soccer-Halle in Dortmund. Und das auch noch im Dembélé-Trikot #bvb pic.twitter.com/ZSz6P3oMO8
— Sebastian Kolsberger (@Kolsi85) January 19, 2018
Lambarka waxaa ka tagay Ousmane Dembele oo ku biiray Barcelona, waxayna dad badan sheekada u fasirteen inay tahay Fariin uu Aubameyang u dirayo Arsenal si loogu diyaari Lambarkaas.
Gool FM.