(Manchester) 25 Jan 2018. Jose Mourinho ayaa qandaraaska u kordhiyay kooxda Manchester United isagoona meesha ka saaray shakigii laga qabay inuu mustaqbalka dhow ka tagi doono Old Trafford.
Macallinka reer Portugal ayaa qalinka ku duugay heshiis uu Red Devils kula joogi doono ugu yaraan ilaa 2020.
Jose Mourinho ayaa noqday macallinkii ugu horreeyay ee koob wayn ku guuleysta sanadkiisii ugu horreeyay ee Manchester United kaddib markii uu u gacan galiyay EFL Cup.
Sidoo kale wuxuu la qaaday UEFA Europa League oo ahaa koob aysan horey ugu guuleysan taariikhdooda.
Gool FM.