(England) 26 Jan 2018. Manchester United ayaa u safreysa kooxda yar ee Yeovil wareega afaraad ee FA Cup.
Wararka Labada dhinac:
Saxiixa cusub ee Machester United Alexis Sanchez ayaa shaxda lagu soo daray iyadoona lagu wado inuu kulankiisii ugu horreeyay u safto.
Jose Mourinho ayaa balan qaaday inuu la soo shir tagi doono koox xoogan inkastoo ay u badan tahay in goolhaye Sergio Romero lagu badelo David de Gea.
Yeovil waxaa ka maqan xiddiga garabka kaga duula ee Otis Khan, kaa oo la ganaaxay Shan kulan kaddib markii uu kala tuuray garsoore.
Rhys Browne ayaa dib u soo laaban kara kaddib dhibaato Canqowga ah halka Omar Sowunmi laga yaabo inuu seego kulanka kaddib markii uu dawakhmay ama wareeray.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Yeovil vs Man United (Wareega 4-aad ee FA Cup)
Goobta: Huish Park
Goorta: 10:55 Habeenimo
Kulamada Fool ka Foolka:
Manchester United ayaa guuleysatay saddexdii kulan ay horey ula kulantay Yeovil Town, Dhammaan waxay ku kulmeen FA Cup, waxayna isku cel celis kulamadaas ka dhalisay 13-0.
Waxaa ka mid ah saddexdaasi kulan ciyaar ay uga adkaatay 8-0 wareega afaraad ee FA Cup bisii Feebaraayo 1949.
Man United ayaa 2-0 ku adkaatay is aragoodii ugu dambeeyay, goolasha ay dhalisay qeybta labaad ee ciyaarta ayaa looga mahdinayaa Ander Herrera iyo Angel Di Maria.
Safafka Macquulka ah ee Yeovil Town vs Manchester United:
Gool FM.