Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Arsenal iyo Alexis Sanchez oo BAXAR ku jira!!!!!!

$
0
0

(England) 26 Jan 2018. Arsenal iyo Alexis Sanchez ayay suuro gal tahay inay wajahaan baaritaano kaga imaanaya FA kaddib markii uu xiddiga reer Chile seegay tijaabooyinka Dawooyinka Daraagiska ee ka mamnuuca ah ciyaartoyda maalinkii uu ku biirayay Manchester United.

Gunners ayaa ku guul darreysatay inay FA ku wargaliso in Sanchez uu ka maqanaan doono xerada tababarka maalinkii uu u dhaqaaqayay Red Devils.

Shaqaalaha FA ee ku howsha leh arrimahan sida joogtada ah loogu baaro ciyaartoyda ayaa Isniintii xerada Arsenal ka waayay Sanchez.

Arsenal ayay ahayd inay FA ku wargaliso isbadelka ku yimaadka jadwalkeeda tababarka ee maalinlaha ah taa oo ay iminka ciqaab ku muteysan karto.

Ma jiraan wax warar ah oo soo jeedinaya in Sanchez uu isku dayay inuu ka dhuunto tijaabooyinka daroogada ka mamnuuca ah ciyaartoyda xitaa uma badna inuu ka war hayay halka uu maalinkaa ku sugnaan doono, arrimahan waxaa masuuliyadeeda inta badna leh kooxaha iyagoo u sheegaya xukuumadooda halka ay ciyaartoydooda ku sugnaan doonaan.

Maadaama ay Arsenal iyadu u fasaxday Sanchez inuu ku biiro Man United isagoo marin tijaabooyinka maalinlaha ah, waxay wajihi doonaan Ciqaab haddii uu FA ku qanci waayo Sharaxaadooda kiiskan.

Sheekadan ayaan Sanchez ka hor joogsan doonin inuu kulankiisii ugu horreeyay caawa u safto Manchester United marka ay FA Cup ku wajahayaan naadiga yar ee Yeovil

Weli ma jiraan wax war ah ay Arsenal iyo FA Cup ka yiraahdeen arrinkan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles