(Spain) 27 Jan 2018. Zidane oo uu cadaadis badan saaran ayaa u safraya naadiga Valencia oo kaalinta saddexaad kaga jirta kala sarreynta horyaalka La Liga:
Wararka Labada dhinac:
Kabtan Sergio Ramos ayaa dib u soo laabtay kaddib dhaawac muruqa ah oo bishan ka soo gaaray tababarka, balse waxaa loo jaray labo usbuuc oo kale uu garoomada ka maqnaan doono kaddib markii ay sii xumaatay xaaladiisa.
Isco ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu kulanka seegi doono, laakiin Karim Benzema ayaa taam u noqon kara in lagu soo bilaabo kaddib labo kulan oo badel lagu keenay.
Dani Ceballos ayaa taam ahaanshihiisa shaki laga muujinayaa halka uu maqnaan doono daafaca Jesus Vallejo.
Gabriel iyo Ruben Vezo ayaa ganaax uga maqan Valencia kaddib markii garoonka laga saaray kulankii Las Palmas.
Xiddiga qadka dhexe ee Dani Parejo iyo daafaca garabka bidix Luis Gaya ayaa ka soo wada laabtay ganaax iyagoona si toos ah ugu soo laaban doona safka hore, balse Ezequiel Garay ayaa ah daafaca dhexe ee kaliya oo kooxda taam u ah waqtigan, laacibkii hore ee qadka dhexe Arsenal Francis Coquelin ayaa laga yaabaa in laga ciyaarsiiyo daafaca.
Laacibka qadka dhexe ee weerarka Carlos Soler ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaanshihiisa.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Valencia vs Real Madrid (La Liga)
Goobta: Estadio Mestalla
Goorta: 6:15 Fiidnimo
Garsoorka: Xavier Estrada (Spain)
Xaqiiqooyinka Kulanka:
Valencia ayaa adkaatay kaliya labo ka mid ah 17-dii kulan ee ugu dambeeyay ay La Liga la ciyaarto Real Madrid (6-bar baro iyo 9-guul darro), kulankii ugu dambeeyay ay ku adkaato garoonkeeda Mestalla ayaa ah bishii Feebaraayo 2017.
Valencia ayaa dhalisay labo gool sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ay Real Madrid la ciyaarto La Liga.
kooxda tababare Marcelino ayaa laga adkaaday kaliya hal kulan 10-kii kulan ay kal ciyaareedkan horyaalka ku ciyaareen garoonkooda, (Todobo ayay adkaadeen, labana bar baro) guul darrada kaliya ee ku soo gartay garoonkooda ayaa kaga timid Villarreal bishii December 1-0.
Cristiano Ronaldo ayaa si toos ah ugu lug lahaa 13-gool, sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay uu La Liga ku wajaho Valencia (10-gool iyo 3-cawin)
Safafka Macquulka ah ee Valencia vs Real Madrid:
Gool FM.