(London) 26 Jan 2017. Henrikh Mkhitaryan ayaa dhawaan ku soo biiray kooxda Arsenal isagoona qeyb ka ahaa heshiiskii uu Alexis Sanchez ugu biiray naadiga Manchester United.
Haddaba waxaan halkan kugu heynaa 7-waxyaabood oo aadan ka garaneyn saxiixa cusub ee Gunners:
1. Wuxuu leeyahay Dooq kale oo aan ahayn kubbada cagta:
Mkhitaryan ma ahayn Caajisloow oo wuxuu Diploma ka diyaariyay Machadka Physical Culture ee dalkiisa Armenia, wuxuu sidoo kale Economics (dhaqaalaha) ka bartay Machadka St Petersburg.
Wuxuu sidoo kale ka fikirayay inuu qaato tababaro si uu u noqdo lawyer (Qareen).
2. Durba waa Rugcadaa xulka qaranka Armenia:
Mkhitaryan waa laacibka ugu goolasha badan taariikhda xulka Armenia 25-gool ayuu ku dhaliyay 70-kulan oo waxaa ka mid ah goolashiisa saddexleey uu ka dhaliyay Guatemala kulan saaxiibtinimo, saddexleydii ugu horreysay uu laacib reer Armenia ka dhaliya kulamada heerka caalami.
3. Rikoodh ayaa uga yaala Premier League:
Mkhitaryan ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee reer Armenia oo ka ciyaara Premier League markii uu Dortmund kaga soo biiray Manchester United.
4. Halyeyga uu kubbada cagta uga dayan jiray waa Zidane:
Zinedine Zidane ayuu Mkhitaryan uga dayan jiray kubbada cagta isagoona midaa ku sheegay wareysi uu siiyay AS:
“Gabi ahaan waa run wuxuu ahaa geesigaan ku dayado caruurnimadeydii. Waan jeclaa sida uu u ciyaaro wuxuuna ii ahaa dhiiro galiye.”.
5. Dhibaato badan kuma qabo ku hadalka LUQADAHA:
Waa sida Jose Mourinho oo kale, Mkhitaryan dhibaato yar ayuu ku qabaa marka ay timaado ku hadalka luqadha. 29-jirka ayaa ku hadla English,Germany, French, Russian, Portuguese, Luqadiisa Armenia iyo waliba Talyaaniga uu wax ka garanayo.
6. Orodyahan ayuu noqon lahaa haddii uu Kubbada cagta ku soo biiri lahayn:
Laacibka reer Armenia ayaa marar badan sheegay in haddii uu ku fashilmi lahaa Kubbada cagta uu noqon lahaa Orodyahan.
7. Wuxuu leeyahay Labo Naaneys:
Taageerayaasha xulka Armenia ayaa Mkhitaryan ugu yeera ‘Heno’ halka Taageerayaasha Dortmund ay ugu yeeri jireen ‘Micki’.
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.