(London) 26 Jan 2018. Tababaraha Tottenham Mauricio Pochettino ayaa caddeeyay inuusan marna tababare u noqon doonin kooxaha Arsenal iyo Barcelona.
Balse meesha kama saarin inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid.
“Kubbada cagta marna ma garaneysid waxa dhici doona.” Mauricio Pochettino ayaa sidaa yiri mar wax laga waydiiyay wararka la xiriirinaya Real Madrid.
Musaqbalka Zidane ayaa qarka ka lulanaya oo wuxuu afkiisa ka qirtay inay shaqadiisa halis ku jirto haddii laga adkaado kulanka PSG ee Champions League.
Yeelkeede, Pochettino ayaa u carab laa laadiyay Real Madrid halka uu ka dhaartay inuu qaban doono xilalka Arsenal iyo Barcelona.
“Warkeyga wuu cad yahay,” Pochettino ayaa sidaa yiri.
“Marna tababare uma noqon doono Barcelona iyo Arsenal maxaa yeelay waxaa aad la iigu yaqaanaa kooxaha Espanyol iyo Tottenham.
“Waxaan ku soo koray Newell’s Old Boys , marna tababare uma noqon doono Rosario Central.
“Tani waa go’aankeyga. maxaa yeelay waxaan doorbidayaa inaan ka shaqeeyo Beeraha ku yaala dalkeyga Argentina halkii aan meelaha qaar aadi lahaa.”.
Si kastaba, Pochettino ayaa qiray in sida ciyaartoyda oo kale uusan garaneyn waxa dhici doona Mustaqbalka isla markaana lagaa ceyrin karo kooxda waqtigii la doono.
Gool FM.