Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waa WAALI CAS in Su’aal la galiyo Zidane.”.- Modric

$
0
0

(Madrid) 28 Jan 2018. Waxaa Su’aal wayn la galiyay mustaqbalka Zidane kaddib markii ay Copa del Rey ka soo reebtay kooxda yar ee Leganes iyagoo waliba ku ciyaaraya Bernabeu balse Luka Modric ayaa Difaacay macallinkiisa isagoona waali ku tilmaamay in su’aal la galiyo.

“Ma rumeysan karo in Tababaraha su’aal la galiyo kaddib wax kasta oo uu ku guuleystay, waa Waali,” Modric ayaa sidaa saxaafada u sheegay kaddib kulankii xalay ee Valencia.

“Waan ognahay in maarka qaar ay isku kaa saaran tahay kubbada cagta mararka qaarna ay kaa ja-jaban tahay.

“In Su’aal la galiyo macallinka ma ahan wax aan fahmi karo, dabcan waan taageernaa isaga.”.

Zidane iyo xarfaantiisa ayaa xalay guul raaxo leh ka gaaray kooxda Velancia kaddib markii ay 4-1 ku maquuniyeen.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles