(Europe) 28 Jan 2018. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmay isagoona socon doona bishan oo idil, Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa lala saxiixday intaba insha’alaah.
Haddaba Aqriso wararka xanta ay saakay oo Axad ah wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga:
Manchester City ayaa diyaar u ah inay 150-milyan ugu soo dhaqaaqdo xiddiga Chelsea Eden Hazard 27-jir, kaddib markii uu Pep Guardiola u aqoonsaday wiilka reer Belgium bartilmaameedkiisa wayn ee suuqa xagaaga. (Sunday Mirror)
Arsenal ayaa ku qasban inay bixiso 60-ka milyan ay Dortmun dku dooneyso Pierre-Emerick Aubameyang, 28-jir amaba inay heshiiska isaga baxdo. (Sunday Mirror)
Guddoomiyaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay inay ka qosliso wararka xanta ah ee ku aadan in Neymar uu u dhaqaaqayo Real Madrid wuxuuna sheegay in “2,000%” uu laacibka reer Brazil la sii joogi doono kooxda kal ciyaareedka soo socda. (Mail on Sunday)
Manchester City iyo Manchester United ayaa ku dagaalami doona saxiixa xiddiga qadka dhexe reer Brazil ee naadiga Shakhtar Donetsk Fred 24-jir. (Daily Star Sunday)
Liverpool iyo Tottenham ayaa ku hungoobi doona saxiixa 28-jirka qadka dhexe ee PSG Javier Pastore kaa oo xaqiijiyay in mudnaantiisa koowaad ay tahay inuu dib ugu laabto horyaalka Serie A ee Talyaaniga. (Metro)
Waxaa hoos u dhacay suuro galnimada Mesut Ozil 29-jir uu Alexis Sanchez ugu raacayo Manchester United. (Manchester Evening News)
Tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique ayaa ka mid ah musharixiinta ugu cad cad inay xilka Chelsea ka badelaan Antonio Conte, kaa oo shaki ku jiro mustaqbalkiisa. (Mail on Sunday)
Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay dalab sokoreysan u gudbiso Roma si ay u dhammeystirto saxiixa weeraryahankii hore ee Manchester City Edin Dzeko. (Sunday Express)
Arsenal ayaa lagu wadaa inay ku guuleysato tartanka lagula soo saxiixanayo daafaca West Brom Jonny Evans, 30-jir, Manchester City ayaa qarka u saaran inay Athletic Bilbao kala soo saxiixato daafaceeda Aymeric Laporte. (Daily Star Sunday)
Roma ayaa soo diiday dalab kaga yimid Liverpool ay kaga dooneysay goolhayaheeda reer Brazil Alisson Becker 25-jir. (Metro)
Manchester United ayaa lagu wadaa inay soo diido dalabyada kaga imaanaya Juventus iyo Roma ee ku aadan heshiis amaah ah oo looga qaadanayo daafaceeda reer Talyaani ee Matteo Darmian, 28-jir. (Sunday Express)
Liverpool ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku dooneysay Daniel Sturridge iyadoona wadad u xaartay in 28-jirkeeda uu amaah ugu biiro Inter Milan. (Sunday Mirror)
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)
Gool FM.