Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Luis Suarez oo GANAAX wajihi kara kaddib markii uu Caloosha ku dhuftay…+SAWIRRO

$
0
0

(Spain) 29 Jan 2018. Luis Suarez ayaa wajihi kara in laga qaado Talaabo kaddib markii uu u soo muuqday sida inuu si kas cad ah uu caloosha ugu dhuftay laacib ka soo horjeeday.

Dhacadada ayaa ka dhacday ciyaartii xalay ay Barcelona 2-1 uga adkaatay Alaves iyadoo uu Coutinho saftay kulankiisii ugu horreeyay ee La Liga.

Barca ayaa lagu hogaaminayay gool uu ka dhaliyay John Guidetti, balse Suarez ayaa goolka bar baraha xagal adag ka dhaliyay daqiiqadii 72-aad ka hor inta uusan goolka guusha dhalin Lionel Messi daqiiqadii 84-aad kubbad Free kick ahayd.

Gobo gabadii ciyaarta mar la soo qaadayay Koorno, Suarez ayaa sida ay wax u muuqdaan caloosha ku dhuftay daafaca Alaves Ruben Duarte.

Duarte ayaa dhulka ku dhacay balse garsooraha ciyaarta ma uusan arkin dhacdadan.

Maadaama uu Suarez taariikh la yaqaano ku leeyahay dhaqan xumada waxa la arkaa in xiriirka Spain ay talaabo ka qaadaan dhaliyaha reer Uruguay.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025