(Manchester) 29 Jan 2018. Joog dheeraha reer Sweden ee Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa la warinayaa inuu ku sii dhawaanayo ku biirista kooxda LA Galaxy ee horyaalka MLS ka dalka Mareykanka.
Ibra ayaa seegay inta badan kulamada kal ciyaareedkan kaddib dhaawac daran oo ka gaaray jilibka.
36-jirka ayaa si lama filaan ah uga soo kabtay dhaawaca isagoona 7-kulan ka soo muuqday Red Devils isla markaana hal gool u dhaliyay balse dhaawac kale gaaray.
Yeelkeede, Imaanshiyaha Alexis Sanchez ayaa keydka u sii rideysa Ibrahimovic.
Haddii uu doonayo inuu sii ciyaaro kulamo joogta ah xalka ugu dhow waa inuu isaga soo tagaa Manchester United.
ESPN ayaa warineysa in ilo wareedyo dhowr ah ay u sheegeen in naadiga LA Galaxy ay ku dhow dahay inay heshiis la gaarto Zlatan.
Gool FM.