(London) 01 Feb 2018. Naadiga West Ham ayaa ganaaxday madaxeeda dhanka Suuqa kaddib markii uu Cunsurunimo kula kacay ciyaartoyda ka soo jeeda Qaarada Madoow ee Afrika.
Tony Henry ayaa wakiiladiisa u sheegay inaysan Suuqa ka soo iibin laacib dambe oo Madoow ah isagoo ku sheegay inay yihiin kuwa qalalaaso abuur ah.
Halkan ku dhufo oo ka Aqriso hadaladii Cunsuriyada ahaa uu Henry ka sheegay ciyaartoyda Madowga ah:
Kooxda lagu naaneyso Hammers ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay inay howsha ka ganaaxday agaasimaheeda dhanka suuqa iyadoona baaritaano rasmi ah ku sameynaysa.
Waxay kaloo kooxdu sheegtay inaysan marna u dul qaadan doonin haba yaraatee Fal cunsurinimo ah.
Gool FM.