Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Cristiano Ronaldo oo qaba dhibaato Kubka ah

$
0
0

(Madrid) 02 Feb 2018. Isdiyaarinta Real Madrid ee kulanka Levante ayaa waxaa carqaladeeyay dhaawac Kubka ka soo gaaray Cristiano Ronaldo inkastoo lagu wado inuu safto kulanka sabtida.

Dhibtaada Kubka ka gaartay xiddiga reer Portugal ayaa ku qasabtay inuu si gaar ah tababarka u qaato Arbacadii iyo shalay oo Khamiis ahayd.

Sida la filayaba haddii uu Ronaldo ka soo kabto dhaawaca uuna ku soo bilowdo kulanka sabtida wuxuu sii wadan doonaa kulamadiisa xiriirka ah ee lagu soo bilaabayo La Liga oo kulankii ugu dambeeyay uu safka hore seego wuxuu ahaa Real Sociedad kolkaa uu ganaax ku maqnaa.

32-jirka ayaa u muuqda inay baryahaan isugu aaday gool dhalinta La Liga oo labadii kulan ee ugu dambeeyay wuxuu dhaliyay afar gool oo wuxuu min labo ka muday Deportivo iyo Valencia.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles