Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Real Madrid oo Talyaaniga ka soo arkatay Goolhaye Cusub

$
0
0

(Madrid) 02 Feb 2018. Real Madrid ayaa isha ku heysa goolhayaha AS Roma Alisson iyagoona isku diyaarinaya sida ay goolhaye cusub ku heli lahaayeen Xilli ciyaareedka soo socda sida ay sheegeyso Mundo Deportivo.

25-jirka ayay u shidan thaay Serie A kal ciyaareedkan waxaana la warinayaa inuu soo jiidatay Liverpool intii uu furnaa suuqa dhawaan xirmay.

Yeelkeede, Goolhayaha reer Brazil ayaa iminka soo qabtay indhaha camaaliqada Spain kaddib markii ay waayeen goolhaye cusub suuqii Jiilaalka.

Waxay iminka qorsheynayaa inay u soo dhaqaaqaan xagaaga marka uu dib u furmo suuqa.

Los Blancos ayaa lala xiriirinayay Goolhayayaasha Manchester United iyo Chelsea David de Gea iyo Thibaut Courtois, balse Allison ayay sidoo kale u arkaan dooq kale oo tayo leh.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles